Bangiga Africa oo lacag siinaya Somalia [Dhagayso]

Image

22 Octobar, 2015(GO)-Waxaa la soo gaba gabeeyay shir ka dhacay magalada Brussels ee dalka Belgium kaasi oo lacag loogu yaboohay qaxootiga Soomaliyeed Somalia.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii dowladaha iyo hay'adaha caalamiga ah taageero uga gaysan lahaayeen dib u celinta qaxootiga Somalida ee ku sugan wadamada deriska ah kuwaasi oo doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia hadana ah madaxa mashaariicda dibadda ee Afrika Development Bank Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in shirka ujeedkiisu yahay sidii qaxootiga looga taageeri lahaa dhinaca dhaqaalaha.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa kaga dhawaaqay shirka Brussels in ay 30 Milyan ku yabooheen kaalmada la xiriirta dib-u-dajinta qaxootiga Somaliyeed ee doonaya in ay iskood ugu laabtaan dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM