Bannaanbax rabshad wata oo Boorame ka dhacay

Image

December 1, 2014 (GO)- Dibadbax Rabshad wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal kadib markii ciidamada booliska ee Maamulka Somaliland xireen duqii hore ee degmadaas Cabdiraxmaan Shide Bile.

Boqollaal dadweyne ah oo dhalliyaro u badan ayaa goor hore oo saaka ahayd isugu soo baxay jidadka muhiimka ah ee magaalada iyagoo dhagxaan iyo taayiro ku xirey waddooyinka qaar islamarkaana ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah xukuumadda uu hogaaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.

Saacdo kadib booliska ayaa ku guuleystey inay kala eryaan dadkii dibadbaxa dhigayey iyagoo qabqabtay ku dhowaad toban dhallinyaro ah iyo weliba saddex weriye oo u shaqeynayey Universal TV iyo Bulsho TV oo isagu ah telefishan maxalli ah.

Saraakiisha booliska Somaliland weli faah faahin kama bixin sababta loo xiray duqii hore ee Boorame Cabdiraxmaan Shide Bile, haseyeeshee warar madax banaan ayaa sheegaya in xarigiisu yimid kadib markii uu warbaahinta ka sheegay ereyo liddi ku ah xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Nov 15, 2014 dibadbax rabshad watey oo ka dhacay degmada Burco loogana soo horjeeday mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland waxaa ku geeriyoodey 3 qof oo rayid ahaa kadib markii ay boolisku rasaas fureen.

GAROWE ONILNE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM