Baraawe: Maraykan ka tirsanaa Al-shabab oo isa soo dhiibay

Image

December 7, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan Al-shabab una dhashay dalka Maraykanka ayaa maanta isu soo dhiibay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha Baraawe, Xuseen Maxamed Barre ayaa warbaahinta u sheegay in ninkan oo xilligii uu isa soo dhiibayey daal iyo harraad fara badani ka muuqday, si wanaagsan loo qaabilay laguna wareejiyey ciidamada AMISOM ee ku sugan Baraawe.

"Ninkan ajnabiga ah, wuxuu noo sheegay inuu yahay Mareykan, luqada ingiriiska ayuu ku hadlayay, waa nin madow, waxay da’diisa u dhaxeysa 30 ilaa 40-sano, markaan wareysanay wuxuu noo sheegay inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab, niman saaxibadiis ahna ay dileen Al-Shabaab, cabsi darteed uu uga soo baxsaday" ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Dhowrkii bilood ee u dambeeyey waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare ee Al-shabab, khilaafka ayaa ka dhashay ka go'aan gaarista in Al-shabaab ku biirto Daacish iyo inay kasii mid ahaato Al-qacida.

Xubno ajnebi u badan oo taageersan fikirka ah in lagu biiro Daacish ayaa ka goostay Al-shabab, waxayna taasi keentay in dagaallo kooxda dhexdeeda ahi ka dhacaan gobolka Jubbada Hoose.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM