Barlamaanka SL oo meel mariyey guddiga cusub ee doorashooyinka

Image

November 29, 2014 (GO)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xubnaha cusub ee kamid noqon doona Guddiga Doorashooyinka Somaliland shanta sano ee soo socota.

Todobada xubnood oo saddex kamid ah Madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay, labana Golaha Guurtidu soo xuleen labada kalena ka kala yimaadeen xisbiyada Ucid iyo Wadani waxay kala yihiin:

  1. Maxamed Jaamac Maxamed
  2. Maxamuud Jaamac Wacays
  3. Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi
  4. Saciid Cali Muuse
  5. Cabdirisaaq Iimaan Warsame
  6. Cabdifitaax Ibraahim Xasan.
  7. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Waxaa xusid mudan in todobada xubnood ee maanta la ansixiyey uu ku jiro Siciid Cali Muuse oo ah weriye ruug-cadda aah mudana lasoo shaqeynayey idaacadda BBC dhalasho ahaanna kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo hawlihiisa ugu muhiimsan yihiin qabashada doorashada madaxtinimada, baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka, wuxuu sidoo kale mas'uul ka yahay ku dhawaaqista cidda ku guuleysata doorashada.

Maalmaha soo codda ayaa xubnaha cusub ee Guddigu waxay si rasmi ah xilka ugala wareegi doonaan soo shaqaynayey shantii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM