Barlamanka DF oo ansixiyey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka

Image

July 5, 2015 (GO)- Baarlammaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, guddigaas oo horay golaha wasiiraddu usoo ansixiyeen.

Qaabka cod u qaadista ayaa ahaa mid qarsoodi ah, waxaana fadhiga baarlammaanka ee maanta soo xaadirey 187 xildhibaan.

Sida dastuurku dhigayo, xubin kasta oo  ka tirsan labadan guddi waxay ansax noqonaysaa marka ay hesho 94 cod, waxayna codadka u kala leheen sidan.

1.Siciid Xaashi Warsame, wuxuu heley 124 cod
2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu heley 120 cod
3. Xuseen Cabdi Aaden,  wuxuu heley 119 cod
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod
5. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu heley 128 cod
7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxaa ay heshay 102 cod
9. Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa soo xushay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyadoo sanadkii hore xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay guddigaas sidan oo kale usoo ansixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM