Barlamanka DF oo Mungaab ku eedeeyey dhul boob [Dhageyso]

Image

06 August,2015 (GO)- Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ugu yereen gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen Muungaab inuu hor yimaado. Xildhibanaada  ayaa gudoomiye Muungaab ku eedeeyay in uu dhul boob ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. 

Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in dhowr jeer u yeereen Muungaab inuu horyimaado balse  iska indho tiray.

Gudoomiyaha gobolka Banadir ayaa waxaa ka imaanaysaa cabasho badan bulshada ku dhaqan Muqdisho tasoo ku aadan dhul badan oo la musuq maasuqay. Munagaab ayaa iminka booqasho ku jooga wadanka Kenya isagoo halkas kulamo kula leh maamulka maamulka Nairobi. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM