Barlamanka DFS oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumadda

Image
Image
Image
Image

February 9, 2015 (GO)- Xildhibaannada barlamanka Dowlada Federaalka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumadda cusub ee dhowaan Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid soo magacaabay.

191 xildhibaan oo kamid ah 213 xildhibaan oo fadhiga maanta soo xaadirey ayaa xukuumadda ansixiyey halka ay diideen 22 xildhibaan oo qura.

Ra'isal Wasaaraha oo ansixinta xukuumada kadib hadlay ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada sida ay uga ajiibeen codsigii uu horay ugu soo gudbiyey ee ahaa inay meel mariyaan xukuumadiisa.

Dhanka kale, waxaa markii la ansixiyey xukuumada kadib la dhaariyey xubnaha golaha wasiirada oo ka kooban 66. Wasiirada waxaa dhaariyey gudoomiyaha maxkamada sare Caydiid Ilko-xanaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM