Barlamanka DFS oo waqti dheeri ah siiyey Ra'isal Wasaaraha

Image

January 31, 2015 (GO)- Xildhibaanada Barlamanka  Dowlada Federaalka ayaa aqbalay codsi uga yimid dhanka Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaake kaasoo ahaa in la siiyo waqti dheeri ah si uu dib u eegis ugu sameeyo xukuumada cusub ee dhowaan lasoo magacaabay.

Ra'isal wasaaraha ayaa dalbaday mudo 10 maalmood ah waxaana codsigaas aqbalay aqlabiyadda xildhibaanadii fadhiga maanta soo xaadiray.

190 Xildhibaan ayaa fadhiga barlamanka maanta kasoo qayb galay waxaana dalabka Ra'isal wasaaraha ogolaaday 139 mudane iyadoo 47 Xildhibaan diideen halka lix xildhibaan oo kale ka aamuseen.

Waa markii labaad muddo bil gudaheed ah ee Ra'isal Wasaare Sharmaake Barlamanka ka codsado inay waqti dheeri ah siiyaan si uu usoo dhiso xukuumad dhameystiran dhammaan dhinacyada siyaasaduna ku qanacsan  yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM