Barlamanka Federaalka oo ansaxiyey Ra'isal wasaare Sharmaake

Image

Dec.24-2014 [GO]-Fadhiga Barlamaanka Federaalka ay yeesheen maanta ayaa waxaa hortagay Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake,kaasoo waydiistay codka kalsoonida.

Kulanka Baarlamanka ayaa waxaa ku sugnaa Madaxwayaha dawlada Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaana intaan loo qaadin codka Ra'isal Wasaaraha khudbado jeediyay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Khudbadaha ay jeediyeen labada mas'uul kadib, waxaa cod gacan taag ah loo qaaday Ra'iasal wasaare Sharmaake,waxaana cod aqlabiyad leh ku meelmariyay 218 Xildhibaan oo siisay codka kalsoonida ah.

Ugu danbayntii isla goobta ayaa waxaa lagu dhaariyay Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Ra'isal wasaare Cumar oo markii labaad xilkan qabanaya ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso gole wasiir ,waxaana looga fadhiyaa muddo soddon casho gudahood inuu ku soo magacaabo xukuumadiisa.

Magacaabista Ra'isal wasaarahan maanta Baarlamanku meel mariyeen ayaa magacaabitiisa ka dambeysay khilaafaad soo kala dhex galay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirkii Kowaad ee hore Cabdwali Shiikh Axmed Maxamed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM