Barlamanka Federaalka oo la horgeynayo qaabka doorasho ee Somalia

Image

MUQDISHU, Garoowe, Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ayaa lagu wargaliyey in April 30, 2016 dhamnaatood Isugu yimaadaan kulan looga wada xajoonayo heshiiskii ay dhowaan wada gaareen maamulada Somalia iyo Dowlada dhexe ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa Xildhibanaada kuwooda jooga wadanka gudihiisa iyo dibadda ugu baaqey iney yimaadaan kulan Ra'isal wasaaraha Somalia ku soo bandhigi doono heshiiskii ay dowladaha qaybta ka ah Federaalka iyo Dowlada Somalia ka wada gaareen qaabka doorasho ee Somalia.

Heshiiska maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka ayaa waxaa udub u dhexaad u ah heshiiskii Puntland iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid ku gaareen magaalada Garowe kaasoo qeexayey talaabooyinka la qaadayo marka la soo xulayo Xildhibanaada Barlamanka aqalka sare iyo Hoose.

Aqalka sare iyo Hoose ayaa marka xulushadooda lasoo dhameytiro ayaa liiska magacyada waxaa saxiixaya madaxda maamulada ka tirsan iyo Issmada.

Wararka ka imaanaya Barlamanka Federaalka ayaa sheegaya in qaar ka tirsan mudanayasha diidan yihiin awooda heshiiskaan siinayo madaxda mamaulada qaybta ka ah Federaalka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM