Barlamanka Federaalka oo weli diidan ansaxinta Xukuumadda

Image

MUQDISHU Jan 29 2015 [GO]- Barlamaanka dowlada Federaalka ayaa wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho sheegayaan inuu ka diidan yahay weli ansaxinta xukuumada cusub ee lagu dhawaaqey habeenkii xaley Jan 28,2015. 

Xildhibaano ka tirsan Labada Kudladood oo horey dib u celiyey xukuumadii hore islamarkaana diidey in Afar xubnood kamid noqdaan golaha cusub wasiirada ayaa kulamo gooni gooni ah maanta la qaatey wakiilada beesha caalamka kaga sugan magaalada Muqdisho. 

Kulamadaan oo ahaa kuwo albaabada u xirnaayeen ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan in xildhibaanda ku muujiyeen dareenkooda ku aadan xukuumada cusub.

Kudladaha kulamdaan la qaatey xubnaha beesha caalamaka ayaa diidey in saxaafada la hadlaan inta ay go'aankooda gaarsiinayaan xubnaha Muqdishu ka jooga  wadamada tageera Somalia.

Eedeymaha ay u gudbiyeen xildhibaanadaan wakiilada beesha caalamka ayaa waxaa kamid ah in xubno ka tirsan golaha wasiirada ee cusub ku lug lahaayeen musuq-maasuq heer sare ah, kamid ahaansho urur diimeedyo islamrkaana magacaabistooda laga leeyahay siyaasad ku aadan sidii qorshaha 2016 loo meel marsan lahaa.

Madaxweynaha dowlada Somalia iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ayaa dadaal ugu jira sidii xukumadaan cusub loo ansaxin lahaa kuwasoo  kulamo la qaatey xildhibaano iyo gudoonka aqalka mudanyaasha.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia iyo madaxweynaha dowlada Federaaka ayaa sidoo kale maanta kulan yeeshay kuwaasoo kawada hadley dadaalka loogu jiro ansaxinta xukuumada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM