Barlamanka Federalka oo ka horyimid derbiga Kenya dhiseyso

Image

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid qorshe ay dowladda Kenya darbi kala qeybiya labada dal uga dhiseyso xadka labada waddan ay wadaagaan.

Kulan ay golaha wasiirada Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya aan lagala tashin dhismaha darbigaas, uuna yahay mid ku kooban Kenya.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadday inay dowladda Kenya kala hadashay arrimahan intii lagu guda jiray socdaal dhowaan ra’iisul wasaraaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale ay Kenya kala hadleen wararka sheegaya in Kenya ay baabi’ineyso calaamadihii xadka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay Kenya ka sugeyso jawaab ku aadan arrinta. 

Seynab Abuukar ayaa warbixintan Muqdisho kasoo dirtey.

Halka ka dhageyso

Xigasho: VOA

Related Articles

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM