​Barlamanka Hir-Shabeelle oo guddoomiye doortay

Image

JOWHAR, Somalia- Barlamanka dhawaan la dhaariyay ee maamulka dhismihiisu socda Hir-Shabeelle ayaa caawa doortay Guddoomiye kaasoo noqday Xildhibaan lagu magacaabo Cismaan Barre Maxamed.

Wuxuu helay codad gaaraya 61, halka ninka kusoo xigay ee la tartamay uu noqday Abuukar Xasan Cali kaasoo isna helay 28 cod.

Doorashadan, waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Barlamanka Federalka Somalia ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasoo maanta gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxaa sidoo kale ku sugnaa Xildhibaano kasoo jeeda labada gobolka ee maamulkaasi ka koobanyahay.

Waxaa la guda galay doorashada labada ku-xigeen.

Cismaan Barre, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay qaabka wanaagsan ee Xildhibaanadu u siiyeen kalsoonida, wuxuuna ku dhaartay inuu si daacad ahg u shaqayn doono.

Marka la dhamaystiro doorashada Barlamanka, waxaa la guda gali doonaa midd Madaxweynaha oo la filayo inay qabsoonto 15 bishan.

Guddoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa hambalyeeyay doorashadan maanta ka dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM