Barlamanka Jubaland oo ansaxiyey tirada la kordhiyey [Dhageyso]

Image

KISMAYO, Sept 12,2015 (GO)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada si buuxda u ansixiyeen go’aankii shalay uu shaaciyay Madaxweynaha Jubbaland ee ahaa in 10 xubnood lagu soo kordhiyay tirada aqalka wakiilada.

Go'aankaan oo qoraal kasoo baxey xafiiska madaxweynaha Jubaland lagu sheegey ayaa waxaa xildhibanada la kordhiyey la filayaa in lagu qanciyo qabaa'ilo cabsho horey uga muujiyey dhismaha Barlamanka maamulkaas.

Ansaxinta iyo ogolaanshaha xildhibanadaan ayaa ku beegmeysa waqti lagu guddo jiro xaflad lagu caleemo saarayo madaxweynaha dowlada Jubaland Axmad Madoobe.

Magaalada Kismayo ayaa waxaa ku qulqulaya wafuud ka socota dowlada federaalka, maamulada Somalia, beesha caalamka iyo wadamada dariska ah kuwasoo ciidamo ka joogaan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM