Barlamanka Jubaland oo dooranaya Gudoomiye Barlaman

Image

KISMAYO, Aprl 28,2015 ( GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya in maanta magaaladaas ka socoto doorashada Gudoomiyaha Barlamanka Jubaland iyo ku-xigeenkiisa.

Ammaanka magaalada Kismayo aad ayaa loo adkeeyey, isgaarsinta ayaana la jaray waxaana adag in natiijada doorashada la ogaado xilli hore.

Xulista xubnaha Barlamankaan ayaa waxaa horey cabasho uga muujiyey qaar ka tirsan qabaa'illda daga Jubaland iyagoo ku eedyeey in maamulka faragalin ku sameeyey qaabka beeluhu kusoo xulayaan xubnaha meteli doona.

Beesha caalamka oo tageerta Somalia ayaa mamaulka Jubalaland qoraal ay soo saartey kaga dalbatey in la xaliyo khilaafaadka taagan.

Toban murashax oo u kala tartami doona xilalka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeennada ayaa ka qayb gelaya doorashada.

 

Guddoomiyaha Barlamanka:

  1. Cabdi Axmed Qaasim.
  2. Fiidow Isaaq Ibraahim.
  3. Maxamed Cali Yuusuf.
  4. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Ku-xigeenka koowaad:

  1. Cabdikariim Cilmi Jaamac.
  2. Axmed Iftiin Maxamed.
  3. Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf.
  4. Maxamed Daahir Cabdullaahi.

Ku-xigeenka labaad:

  1. Axmed Maxamed Abuukar.
  2. Cabdi Baaley Xusseen.

Warsidaha Garowe Online kala soco natiijada doorashdaas.

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM