Jubaland oo ku dhawaqdey Barlaman, muran ka tagaan [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image

KISMAYO, April 16,2015 (GO)-  Maamulka Jubaland ayaa xaflad lagu qabtey aqalka madaxtooyada Kismayo ku soo bandhigey xildhibaanada Barlamanka maamulkaas oo ka koobnaan doona 75 xubnood.

Xafladaan oo lagu soo bandhigey shaxda qabaa'ilada daga gobolda ku bahoobey maamulka Jubaland u qaybsadeen Barlamanka ayaa waxaa qaadacey qaar ka tirsan qabaa'ilka degaankaas kuwaas oo sheegey in aan si cadaalad ah loo xulin..

Xubanahaan Barlamanka lasoo xuley ayaa afhayeen KMG ah u doortey Sheikh Abdi Yusuf oo horey u ahaa xildhibaan ka tirsan dowlada dhexe ee Muqdishu kadib markii ay la tartameen sadex xubnood oo kale.

Wararka Garowe Online ka helayo magaalada Kismayo ayaa sheegaya in xubnaha ka tiisan Barlamankaan lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada Jubaland iyada oo ay goob joog ahaayeen Labada madaxweyne ku-xigeen ee maamulkaas.

Warsidaha Radio Garowe oo fursad u heley inuu wax ka waydiiyo Axmed Siraad Xuseen Baqow  oo ah Garaadka guud ee Hartiga dega Jubbaland ayaa cadaalad daro ku tilaamay qaabka loo maray xulista Baarlamaanka isagoo sheegey in dawladdu tix galin doorkii odayaasha dhaqanka.

Ugaaska beesha Sade ayaa horey cabasho tan lamid ah ka sheegey magaalada Muqdishu kadib markii ergadii uu hogaaminayey isaga baxeen kulan lagu soo xulayey xildhibaandaan oo ka socdey Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM