​Barlamanka oo guddi u saaray hishiiska Hannaanka doorashada Somalia

Image

MUQDISHU- Barlamanka Somalia oo 30-ka bishii hore loo gudbiyay barnaamij ku saabsan hannaanka doorashada Somalia ayaa u saaray guddi isugu jira Xildhibaanada haantan jooga iyo qaar kamid ah mudanayaashii hore.

Guddi ka kooban 26 xubnood ayaa loo saaray turxaan bidin hishiiskii dhawaan lagu kala saxiixday magalada Muqdishu, waxaan 5 kamid ah xubnahaasi yihiin Xildhibaano hore.

Wararka laga helayo arrintaasi ayaa sheegaya in durba laga saaray qodobo kamid ah hishiiska hannaanka doorashada Somalia.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamed, oo kamid ah guddiga howshaasi loo saaray, ayaa tilmaamay inay leeyihiin kulamo joogta ah islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii loo eegi lahaa waxyaabaha turxaan bixinta u baahan.

Hishiiska loo marayo doorashada dabayaaqada sannadkan ka dhacaysa Somalia, ayaa awood dheeraad ah siinaysa madaxda maamul goboleedyada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM