Barlamanka oo ka dooday sharciga shaqaalaha Shisheeye

Image

29 Augusto, 2015(GO)-Barlamanka DFS ayaa maanta ka dooshay hindise sharciyeedka shaqaalah shisheeye iyo fursadaha muwaadiniinta Somaliyeed.

Dooda barlamanka ee maanta ayaa lagu sheegey in loo bahanyahay sidii loo yareyn lahaa shaqalaysiinta dadka ajnabiga iyadoo la helayo muwaadin awoodi kara qabashada shaqada.

Qaar ka mid xildhibanada Somalia ayaa sheegey inay khalad tahay jacaylka shaqaalaha ajnabiga waxayna xuseen iyadoo taasi jirto inaysan munaasib ahayn si ahaanshaha xildhibanimo.

"Mar hadii la cayrinayo muwadinka Somaliyeed ee ku shaqaynaya 10 dollar isla markaana la keeno qof ajnabi ah oo ku shaqeynaya Kun iyo Shan boqol oo doollar, marka inta taasi jirto munaasib ma ahan inaan sii ahaano xildhibaano"Ayuu mid ka mid xildhibanada Federaalka Somalia.

Sharciga laga doodayay ayaa sidoo kale looga hadlay qaadista canshuuraha ee ku salaysan dhanka shaqaalaha, waxaan loo madlanyahay in barri la isugu yimaado dhameystirka doodan, waxaana wasaaradda Maaliyadda Somalia loo soo jeediyay inay soo eegaan sharcigan iyo talooyinka laga dhiibtey sharcigaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM