Barlamanka oo kordhiyay Waqtiga dhismaha xukuumadda Jubbaland

Image

1 September, 2015(GO)-Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta ka dooday codsi uga yimi madaxweynaha maamulkaasi oo ku aadan so dhisidda golaha xukuumadda Jubbaland.

Kalfadhiga maanta oo ay soo xaadirey 59 mudane ayaa 55 ka mid ahi waxay ogolaadeen in Axmed Madoobe la siiyo 60 maalmood oo dheeri ah si uu u soo magacabo golaha wasiirada maamulka Jubbaland, Saddex waa diinteen, waxaa ka aamusay hal mudane.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka dooday wax ka badal lagu sameeyo dastuurka maamulkaasi qodobkiisa khuseeya waqtiga lagu soo magacaabayo golaha wasiirada, waxayna isku af-garteen in wax laga badalo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa haystay 21 cisho oo ka bilaabanaysay xilliga loo dhaariyay xilkaasi, balse waxa uu codsaday in waqti loogu daro maadaama ay jiraan duruufo aan u saamaxaynin, waxaana maanta loogu darey 60 maalmood oo ka bilaabanaysa 5 bishan aan ku jirno ee September.

Dhanka kale waxaa la qorsheynayaa in dhawaan Kismayo lagu qabto Caleema saarka Axmed Madoobe maadaama loo doortay Madaxweynaha Jubbaland markii labaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM