Barlamanka oo kordhiyay Waqtiga dhismaha xukuumadda Jubbaland

Image

1 September, 2015(GO)-Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta ka dooday codsi uga yimi madaxweynaha maamulkaasi oo ku aadan so dhisidda golaha xukuumadda Jubbaland.

Kalfadhiga maanta oo ay soo xaadirey 59 mudane ayaa 55 ka mid ahi waxay ogolaadeen in Axmed Madoobe la siiyo 60 maalmood oo dheeri ah si uu u soo magacabo golaha wasiirada maamulka Jubbaland, Saddex waa diinteen, waxaa ka aamusay hal mudane.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka dooday wax ka badal lagu sameeyo dastuurka maamulkaasi qodobkiisa khuseeya waqtiga lagu soo magacaabayo golaha wasiirada, waxayna isku af-garteen in wax laga badalo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa haystay 21 cisho oo ka bilaabanaysay xilliga loo dhaariyay xilkaasi, balse waxa uu codsaday in waqti loogu daro maadaama ay jiraan duruufo aan u saamaxaynin, waxaana maanta loogu darey 60 maalmood oo ka bilaabanaysa 5 bishan aan ku jirno ee September.

Dhanka kale waxaa la qorsheynayaa in dhawaan Kismayo lagu qabto Caleema saarka Axmed Madoobe maadaama loo doortay Madaxweynaha Jubbaland markii labaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM