Barlamanka Somalia oo ansaxiyey sharciga ajaanibta [Dhageyso]

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Barlamanka Somalia ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka ajaanibta kaasoo malmihii la soo dhaafay mudanayaashu uga  doodayeen magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay inay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen sharicigan oo uu tilmaamey inuu wax weyn ka tarayo la socodka shaqaalaha ajaanibta ah ee soo gala dalkeenna.

Fadhiga Barlamanka ee maanta ayaa waxa soo xaadirey 140 mudane, waxaana sharcigan ogolaadey 139 mudane, hal qof ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday.

Sharciga Barlamanka Somalia meelmariyeen ayaa muhiimada siinayay in fursadaha dhanka shaqada la siiyo muwaadiniinta,

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM