Barlamanka Somalia oo ansixyay sharciga maalgashiga Shisheeye

Image

24 November, 2015(GO)-Barlamanka Somalia oo ku guda jira kalfadhigooda 7-aad ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka maalgashiga caalamiga ah kaasi oo soo maray marxalado kala duwan.

Sharcigan oo loo qaaday cod gacan taag ah, waxaa ogolaaday 143 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, 3 kalena waay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir guddoominayay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somalia Maxamed Xasan Aadan, ayaa codayn ka dib Xildhibaanada u mahad celiyay, wuxuuna tilmaamay inay guteen wajib dastuuri ah oo saarnaa.

Afhayeenka Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku hadlayay magaca guddoonka iyo kan xildhibaanadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Safiirkii Somalia u fadhiyay dalka Masar iyo suldaan ka mid ahaa isimadii soo xulay mudanayaal ka mid ah Barlamanka hadda jira oo geeriyooday kaasi oo lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdillaahi Kibaar Faarax, waxaana uu ALLAH uga baryay labadaasi marxuum in naxariistiisa siiyo  Qabrigana u nuursho.

Dhinaca kale Barlamanka, ayaa warbixin ka dhagaystay guddi xaqiiqo raadi ah, kuwaasi oo dhawaan loo diray xuduuda Somalia iyo Kenya, halkaasi oo dowladda Kenya, ka dhisayso darbi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM