Barlamanka Somalia oo qaraar ka keeney Kenya

Image

MUQDISHU: Kulan mudanayaasha Barlamanka Somalia ku yeesheen magalada Muqdishu gaar ahaan xarunta golaha shacabka ayaa looga hadlay arrimo kala duwan islamarkaana waxaa lagu qaybiyay qaraar ka dhan ah duqaymaha diyaarahada dagaalka Kenya ka wadaan gobolka Gedo Somalia.

Fadhiga Xildhibaanada oo 148 mudane islamarkaana shir gudoominayay gudoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa lagu cambaareeyay weerarka kasocda gobolka Gedo ee lagu waxyeeleeyay dad shacab ah iyo xoolahood, waxayna dowladda Kenya ka codsadeen inay si dhaqso ah u joojiso duqaymaha ay wado.

Barlamanka ayaa sidoo kale 30 bishan dalbaday inuu golaha shacabka horyimaado Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, si wax looga weydiiyo arrinta Kenya ka wado qaybo kamid ah gobollada Somalia.

Warbixin ay Barlamanka Somalia ka hor akhriyeen guddi loo xilsaaray inay soo baaraan weerarka deegaanka ayaa lagu sheegay in kooxda Shabaab taageero siiyeen beel kamid ah ku dega gobolkaas, taasoo kooxda u sahashay inay dhulka dhigaan saldhiga Milatari ee ciidamada qaybta ka ah AMISOM.

Xaaladda qaybo ka mid ah gobolka Gedo ayaa laga soo dayrinayaa, waxaana kasocda barakac xooggan oo ay wadaan shacab xoola dhaqato u badan, kuwaas oo cabsi ka qaba duqamaymaha aan meel dayashada lahayn ee lala eeganayo dadka gobolkaas.

Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku qaadey xero ciidamada Kenya kuwaasoo saldhig ku lahaa saldhig degaanka Ceelcad ee ku taal gobolka Gedo halkaasoo ku dileen tiro askar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM