​Barlamanka Somalia oo qodobo ka doodaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Mudanayaasha Barlamanka Somalia ee waqtigu ka dhammaanayo ayaa maanta yeeshay kulankooodii ugu horrayay, waxayna uga doodayaan qodobo dhawr ah oo ku jiro dastuurka.

Sida uu sheegay mudane katirsan aqalka golaha shacabka, waxaa kulankan looga hadli doonayaa ajandayaasha qabyada ah ee loo gudbin doono Barlamanka 10-aad ee badali doona kuwa haatan jooga.

"Ajandaha kulanka maanta waa warbixin looga dhageysanayo Guddiga dastuurka iyo in Xildhibaanada ay ansixiyaan qaraar ku saabsan dastuurka oo loo gudbin doono baarlamaanka 10aad ee la dhisi doono,"Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar oo la hadlayay warbaahinta gudaha.

Waxaa sidoo kale isu imaatinkan warbixin looga dhagaysan doonaan Guddiga Barlamanka u qaabilsan Dastuurka.

Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli muddo 50 casho ah loogu daray mudda xileedka Barlamanka haatan jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM