Barlamanka Somalia oo sharci kasoo saaraya darbiga Kenya

Image

14 Nov, 2015 (GO)-Kulan ay isugu yimadeen xildhibaanada Barlamanka Federaalka 13 Nov, 2015 ayaa cod u qaadey darbiga la sheegey in dalka kenya ka dhisayo xadka uu la wdaaago dalka Somalia.

Kulankaan oo ay shir gudoominayen guddoomiyaha Barlamanka iyo labadiisa ku-xigeen ayaa waxaa loogu qaybiyey xildhibanaada qaraar ay kasoo diyaariyeen derbiga dowlada Kenya ka dhiseyso xuduudka Somalia la wadaagto guddiyada arrimaha gudaha iyo dibada.

Qaraarkaan ayaa xildhibaanada dowlada Federaalka u akhriyey guddoomiyaha ku-xigeenka guddiga arrimaha dibada Barlamanka.

Xildhibanaada Barlamanka oo dhageystey qaraarkaan ayaa talooyin ay soo jeediyeen ku sheegey in sharci loo badalo arrimaha derbiga dowlada Kenya ka dhiseyso xadka Somalia la wareegto.

Talooyinka kadib ayaa guddoonka Barlamanka Federaalka Somalia xildhibanada waydiiyey iney u codeeyaan soo jeedintooda taasoo ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah.

Guddiyada arrimaha gudaha iyo dibada ayaa la siiyey waqti gaaraya 48 saac iney ku soo diyaariyaan sharcigaan.

Dowlada Kenya ayaa sheegtey iney qorsheyneyso in darbi ka dhisto xuduudka la wadaagto wadanka Somalia kadib markii weeraro kaga yimaadeen ururka Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan gudaha dalka Somalia kuwasoo ka howlgala deganaada Jubooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM