​Barlamanka Somalia oo u yeeray Ra'isal wasaaraha

Image

MUQDISHU- Kulan maanta ka dhacay xarunta Barlamanka Somalia ee magalada Muqdishu ayaa lagu shaaciyay in Ra'isal wasaaraha Somalia loo baahanyahay inuu horyimaado golaha shacabka Somaliyeed.

Gudoomiyaha Barlamanka oo kulankaasi shir gudoominyay ayaa tilmaamay in Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake 30-ka bishan laga xarun xarunta Barlamanka Somalia isagoo wada ajandayaashii ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya qaabka loo wajahayo.

Jawaari, ayaa xusay inay muddo yar ka hartay waqtigii ay ku ekayd xukuumadda haatan joogta, wuxuuna sheegay inaysan wali soo gudbin qaabkii doorashada loo wajihii lahaa iyo shuruucihii la raaci lahaa.

Waxay sidoo kale Barlamanku ku baaqeen in la dar-dar galiyo howlaha badan ee loo baahanyahay in lagu dhammeeyo waqti yar.

Dabayaaqada sannadkan ayaa dalka Somalia ka dhici doontaa doorasho ku salaysan nidaamka wax ku qaybsiga beelaha, balse intaa arrintaasi la gaarin ayaa la dhisi doonaa labada aqal oo hormari doono golaha guurtida

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM