​Barlamanka Soomaaliya oo kulan yeelanaya

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta lagu wadaa in magalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Barlamanka oo ka arrinsan doona howlaha horyaalla kalfadhiga u socda golaha shacabka.

Fadhigan, oo shir guddoomin doono Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo dhammaystiri lahaa howlaha weli ka harsan kalfadhiga 8-aad ee Barlamanka Soomaaliya, waxaana ku jira shuruuco maray habkii koowaad ee Akhriska hadana u baahan ansixin.

Mudane katirsan Barlamanka oo la hadlay GO, ayaa sheegay inay maanta isu imaan doonaan islamarkaana ebyi doonaan qorshayaasha harsan isagoo xusay inuu khubad jeedin doono Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya.

Kulankan, ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii hore madaxweynaha dowladda Soomaaliya heer ku ansixiyay hannaankii doorashada oo muddo horyaallay Xildhibaanada, waxaana arrintaasi siyaabo kala duwan u arkay mudanayaasha oo qaybtood kasoo horjeesteen.

Lama oga inay arrintaasi kusoo qaadan doonan, waxayse u badan tahay inaan laga hadlin.

Kalfadhigan u socda Xildhibaanada waddanka, ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay, waxaan markuu dhammaado la filayaa in lakala diro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM