​Barlamanka Soomaliya oo kulan uga socdo Muqdishu

Image

MUQDISHU- Barlamanka Federalka Soomaaliya oo weli ku guda jira kalfadhigoodii 8-aad ayaa maanta ka doodaya qodobo dhawr ah sida uu warbaahinta gudaha u sheegay Hab-dhawraha Xildhibaanada dalka Maxamed Cumar.

Wuxuu sheegay inay maanta guda galin doodaan ka doodista ajandayaal horay u yaallay Barlamanka isagoo xusay inay qorshaynayaan qaabkii loo meelmarin lahaa xeerarkaasi.

Maxamed Cumar, ayaa xusay in ajandahooda maanta ku jiro qaabkii looga doodi lahaa qodobo kamid ah Dastuurka dalka, wuxuuna sheegay inay gabagabadiisa soo saari doonaan qaabka loo ansixiyay iyo waxyaabaha laga badalay.

Fadhigan, ayaa qayb ka ah kulamo maalmahan u socday Xildhibaanada Soomaaliya, kuwaas oo todobaadkan meelmariyay xeerar dhowr ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM