Barlammaanka DF oo go'aan ka gaaraya mooshinka Jubaland

Image

June 6, 2015 (GO)- Baarlammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go'aan kama dambeys ah ka gaaraya mooshinka qaar kamid ah xildhibaannadu kasoo gudbiyeen qaabka lagu soo dhisey baarlamaanka maamulka Jubaland.

Labo fadhi oo hore oo xildhibaannadu cod ugu qaadi lahaayeen mooshinkaas ayaa u baaqdey kooramka oo buuxsami. Si cod loogu qaado mooshinka, waxa khasab ah inay fadhiga soo xaadiraan ugu yaraan 139 xildhibaan.

Mooshinkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa waxay xildhibaannada soo gudbiyey dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaabka lagu soo xulay baarlamaanka Jubaland oo sida ay ku doodayaan ah mid aan waafaqsaneyn dastuurka federaalka. 

Jubalnad ayaa horey u sheegtay inay ka fiirsan doonto xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka hadii aan la joojin mooshinka laga keenay barlammaankeeda.

Sidoo kale Puntland ayaa ka soo horjeedsatay mooshinkaas, waxaana Madaxweyne Gaas oo maalmo kahor warbaahinta la hadlay uu sheegay in xildhibaannada baarlammaanka federaalka shaqo la'aantu ka badatay sidaas darteed ay ku mashquulsan yihiin wax aan shaqdooda ahayn.

Fadhiga barlammaanka waxaa isla maanta looga doodi doonaa xeerka saxaafadda, xeerkaasoo horay golaha wasiirradu usoo ansixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM