Barlammaanka DF oo maanta cod u qaadaya mooshinka Jubaland

Image

June 1, 2015 (GO)- Xildhibaannada Baarlammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka doodi doona mooshinkii laga keenay Baarlammaanka Jubaland.

Fadhiga baarlammaanka ee maanta waxaa sidoo kale inta uu socdo xildhibaannada loo akhrin doonaa xeerka shaqaalaha shisheeye iyo saxaafadda.

Mooshinkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa waxay xildhibaannada soo gudbiyey dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaabka lagu soo xulay baarlamaanka Jubaland oo sida ay ku doodayaan ah mid aan waafaqsaneyn dastuurka federaalka.

May 23, 2015 ayaa qorshuhu ahaa in mooshinkan cod loo qaado, haseyeeshee dib ayaa loo dhigey kadib markii uu soo buuxsami waayey kooramku.

Jubaland ayaa ku tilmaantey mooshinkaas mid sharci darro ah oo wax u dhimi kara xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Sidoo kale Puntland ayaa ka soo horjeedsatay, waxaana Madaxweyne Gaas oo maalmo kahor warbaahinta la hadlay uu sheegay in xildhibaannada baarlammaanka federaalka ay shaqo la'aantu ka badatay sidaas darteed ay ku mashquulsan yihiin wax aan shaqdooda ahayn

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM