Barlammaanka DF oo maanta cod u qaadaya mooshinka Jubaland

Image

June 1, 2015 (GO)- Xildhibaannada Baarlammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka doodi doona mooshinkii laga keenay Baarlammaanka Jubaland.

Fadhiga baarlammaanka ee maanta waxaa sidoo kale inta uu socdo xildhibaannada loo akhrin doonaa xeerka shaqaalaha shisheeye iyo saxaafadda.

Mooshinkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa waxay xildhibaannada soo gudbiyey dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaabka lagu soo xulay baarlamaanka Jubaland oo sida ay ku doodayaan ah mid aan waafaqsaneyn dastuurka federaalka.

May 23, 2015 ayaa qorshuhu ahaa in mooshinkan cod loo qaado, haseyeeshee dib ayaa loo dhigey kadib markii uu soo buuxsami waayey kooramku.

Jubaland ayaa ku tilmaantey mooshinkaas mid sharci darro ah oo wax u dhimi kara xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Sidoo kale Puntland ayaa ka soo horjeedsatay, waxaana Madaxweyne Gaas oo maalmo kahor warbaahinta la hadlay uu sheegay in xildhibaannada baarlammaanka federaalka ay shaqo la'aantu ka badatay sidaas darteed ay ku mashquulsan yihiin wax aan shaqdooda ahayn

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM