Barlamanka DF: Barlamanka Jubaland waa sharci daro

Image

June 6, 2015 (GO)- Xildhibaannada baarlammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey mooshinkii laga keenay baarlammaanka Jubaland.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 142 xildhibaan ayaa 132 kamid ahi u codoyeen in la ansixiyo halka afar xildhibaan diiddey lix kalena ka aamuseen.

Xildhibaannadii kasoo horjeedey mooshinka ayaa buuq sameeyey iyagoo markii dambena isaga baxay hoolka.

Mooshinkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa waxay xildhibaannada soo gudbiyey dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaabka lagu soo xulay baarlamaanka Jubaland oo sida ay ku doodayaan ah mid aan waafaqsaneyn dastuurka federaalka.  

Jubaland ayaa horey u sheegtay inay ka fiirsan doonto xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka haddii aan la joojin mooshinka laga keenay barlammaankeeda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM