Beesha Caalamka oo dowlada Somalia ugu Baaqdey Dhowrista Xaquuqda Hadalka

Image

Dawladda Maraykanka, Hay’adda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo waddamo kale ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay ilaaliso xuquuqaha caalamiga ah ee xorriyadda hadalka sida uu qeexayo dastuurka Soomaaliya, waxayna ka dalbadeen dawladda inay degdeg u baadho isla markaana sharciga ula tiigsato dadka ku xadgudba xorriyadda hadalka ama halis u gaysta dadka ka shaqeeya.Maraykanka, waddamada kale iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa sheegay in xaqa xorriyadda hadalka ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed si loola xisaabtamo saraakiisha dawladda, dadweynahana ay xiriir ula yeeshaan.

Waxay sheegeen in tallaabadani muhiim tahay gaar ahaan xilligan oo in ka badan 14 kun oo ergo ay ku kulmayaan goobo ka mid ah waddanka si ay usoo doortaan xubnaha baarlamaanka.Waxay sheegeen in Soomaaliya sanandkan ay ku dhinteen ugu yaraan shan saxafi, 16 kalena lagu xidhay. Waxay ku eedeeyeen dawladda inaan sida badan wax baadhitaan ah lagu samaynin xadgudubyadaasi iyo sida dadkii ka dambeeyey sharciga loola tiigsan lahaa. 

Waxay sheegeen in bishan Oktoobar keliya la xidhay lix saxafi.Beesha caalamku waxay cambaaraysay hagardaamada iyo xadgudubada kale ee lagula kaco shaqaalaha warbaahinta ee Soomaalida ah, waxayna sheegeen inay sidoo kale aad uga walaacsan yihiin ficillo sii kordhaya oo lagu cabburinayo xorriyadda hadalka – haddii ay tahay dhinaca warbaahinta, isku imaatinka iyo xaqa ay musharrixinta ay u leeihiin inay ololayaal samaystaan.

Beesha caalamku waxay sheegeen inay soo socotay faragelin lagu samaynaydhaqdhaqaaqayada siyaasadeed muddo bilo ah, waxayna sii xoogaysatay ayey sheegeen markii 9-kii Julay ay warqad kasoo baxday Wasaaradda Amniga Gudaha oo lagu mamnuucayey in huteellada Muqdishu lagu qabsado shirar iyadoo aan marka hore oggolaansho laga helin Wasaaradda.Waxay sheegeen in hay’adda sirdoonka ee NISA ay kala eriday shirar iyo isku soo baxyo ka dhacay Muqdishu. 

Waxay sidoo kale sheegeen in saraakiisha garoonka ay si ku meelgaadh ah garoonka uga mannuuceen saxaafadda, waxayna intaas ku dareen in inkastoo saraakiisha dawladda ay sabab ka dhigeen arrimo dhinaca amniga ah haddana in tallaabooyinkan ay saameeyeen oo keliya dhaq-dhaqaaq-yada dadka mucaaradka ah.

Ugu dambayn waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta Soomaalida inay u oggolaadana muwaadiniinta Soomaalida ah inay ka faa’iidaystaan xuquuqdooda hadalka iyo is-abaabulka, iyo inay dawladdu qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu sugayo amniga iyo xuququda suxufiyiinta Soomaalida, iyo xaqiijinta in usbuucayada soo socda la abuuro jawi oggolaanayo in dadweynahu ka qaybqaataan hannaanka siyaasadeed.

VOA

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM