Beesha caalamka oo kulan ugu yeertey madaxda maamulada Somalida iyo DFS [ AKHRI]

Image

GAROWE, Puntland- Qoraal ku taariikhaysan 5 Dec, 2016 oo kasoo baxay xafiiska wakiilka QM u qaabilsan arimaha Somalia Michael Keating ayaa waxaa bishaan December Todobadeeda magaalada Muqdishu loogu yeeray madaxda maamulada Somalia iyo kuwa dowlada Federaalka ee waqtigu ka dhamaadey.

Qoraalkaan ayaa ergeyga gaarka ah kaga hadlay baahida loo qabo in la dhameystiro qorshaha doorashada dadban iyo in la xaliyo muranka ka taagan  xubnaha aqalka sare ee beelaha kasoo jeedaa Somaliland.

Ergeyga gaarka ah ee QM ayaa hoosta ka xariiqey iney muhiim tahay in doorashada gudoomiyaha Barlamanka iyo Madaxweynaha Somalia dhacdo inta ka horeysa dhamadka sanadkaan isagoo raaciyey digniin ah in beesha caalamka dib uga fakareyso taageerada ay siiso Somalia hadaan dowlad cusub la helin bilowga sanadka cusub.

Wakiilada QM ayaa xusey iney jiraan arimo la xiriira musuqmaasuq lagu sameeyey doorashada aqalka hoose ee Somalia kuwasoo uu sheegey in talaabo laga qaadayo dadka looga shakisan yahay.

Wadaxaajoodkaan ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan in lagu darey madax cusub ee ka qayb gasha madasha kuwasoo ay kamid yihiin Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeele iyo Ra'isal wasaare ku xigeenka dowlada Federaalka oo isagu u fadhiyi doona kulankaan beelaha kasoo jeedaa Somaliland.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegayaa in kulankaan uu uga qayb gali doono Madaxweyne ku xigeenkiisa oo iminka ku sugan magalada Muqdishu.

Mundane Gaas oo booqasho ku tagey dalka China ayaan dib ugu soo noqon Puntland isagoo wadanka Ethiopia uga sii gudbey Kenya halka oo aan la sheegin sababta uu ugu suganaan doono muddo 8 cisho ah.

Halkaan ka akhri qoraalka Ergeyga QMSRSG LETTER TO NLF 5DEC.pdf

GAROWEONLINE 

Related Articles

Fiqi: Hubkii Masar waxaa loo Adeegsaday Dagaal Sokeeye

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 12:18PM

Xiisad Kacsan oo Koonfur Galbeed ka Taagan iyo Ciidamada DFS oo Magaalo oo La Wareegay

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday hoggaamiye kale oo maamul goboleed oo hakiya xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 08:01AM