Beesha caalamka oo u kala dabqaadeysa madaxda Somalia

Image

MUQDISHU: Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo magaalada Muqdishu ayaa sheegaya ineysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid mowqifka madaxda Somalida kuwasoo shirar gooni ah la yeelaney maanta xubnaha beesha caalamka.

Xubnaha beesha caalamka ka jooga magaalada Muqdishu ayaa kulamada ay la qaadanayeen madaxada Somalida diirada ku saarayey sidii la isugu soo dhoweyn lahaa fikirada ay kala qabaan dhinacayada siyaasada Somalia.

Sida aan ka helnay xogogaal ku dhow kulamadaas ayaa sheegaya in beesha caalamka ku guuldareystey maanta iney xal ka gaaraan sidii la isugu soo dhoweyn lahaa fikirkada kala ah in wax lagu qaybsado 4.5 iyo nidaamka degmooyinka.

Caawa wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo kulan sadex geesood ah ee u dhexeeya madaxweynaha Puntland, Jubaland iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid.

Lama oga waxyaalaha looga hadlayo kulankaan balse waxaa jira warar sheegaya in maalinta berri ah suurtagal tahay in madaxweynaha Jubaland u ambabaxo magaalada Kismayo.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriira kulanka magaalada Muqdishu uga socda madaxda Somalida

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM