Beledweyn: webiga Shabeele oo cabsi laga qabo inuu fataho

Image

October 19, 2014 (GO)- Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka jirta cabsi xooggan oo laga qabo in webiga Shabeelle xaafado degmadaas ka tirsan ku fataho

Boqollaal qoys oo degenaa xaafadaha ku yaalla hareeraha webiga ayaa bilaabay inay guryahooda ka barakacaan kadib markii webigu aad usoo buuxsamay 24tii saac ee ugu dambeeyey.

Maamulka degmada Beledweyn ayaa wada dadaallo ku aadan sidii loo xiri lahaa meelaha lays oran karo biyaha webigu way kasoo jabi karaan, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadda webiga.

Sidoo kale dadweynaha ayaa loogu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan gaar ahaan dadka weli ku harsan xaafadaha webiga daantiisa ku yaal.

Roobab mahiigaan ah oo maalmihii u dambeeyey ka da'ayey qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ayaa sababay in heerka biyaha webiga Shabeele kor u kaco. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM

RW Xamsa: Shidaalka dalka Soomaaliya halis ayuu ku jiraa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah aysan hadda ka dib ahayn hadal kaliya.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:08PM