Beledweyn: webiga Shabeele oo cabsi laga qabo inuu fataho

Image

October 19, 2014 (GO)- Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka jirta cabsi xooggan oo laga qabo in webiga Shabeelle xaafado degmadaas ka tirsan ku fataho

Boqollaal qoys oo degenaa xaafadaha ku yaalla hareeraha webiga ayaa bilaabay inay guryahooda ka barakacaan kadib markii webigu aad usoo buuxsamay 24tii saac ee ugu dambeeyey.

Maamulka degmada Beledweyn ayaa wada dadaallo ku aadan sidii loo xiri lahaa meelaha lays oran karo biyaha webigu way kasoo jabi karaan, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadda webiga.

Sidoo kale dadweynaha ayaa loogu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan gaar ahaan dadka weli ku harsan xaafadaha webiga daantiisa ku yaal.

Roobab mahiigaan ah oo maalmihii u dambeeyey ka da'ayey qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ayaa sababay in heerka biyaha webiga Shabeele kor u kaco. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM