Beesha caalamka oo bixinaysa qeyb kamid ah dhaqaalaha doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay bixin doonto qeyb kamid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada 2016, ee la filayo inay dhacdo Octoobar 30.

War saxaafadeed si wadajir ah usoo saareen dowladaha daneeya arrimaha Somalia ayaa waxay ku sheegeen in 60% Lacagta doorshada ay bixin doonaan halka 40% hartey ka imaan doonto Lacagaha diiwaangelinta Musharaxiinta iyo ilaha dhaqaalaha dowladda.  

Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Africa, IGAD ayaa sheegay in dhaqaalaha ay ku bixinayaan doorashada uu maamuli doono gudi Madaxbanaan oo qaramada midoobey kor ka eegi doonaan taasoo lagaga hortagayo inuusan dhicin Musuqmaasuq.  

Warsaxafdeedka kasoo baxey wakiilada wadamadaan ayey ku  baaqeen in doorashada Somalia dhacdo waqtiga lagu balamay, una dhacdo si xor iyo cadaalad ah, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo cusub xilligan kala-guurka ah.

Michael Keating, oo ah ergayga gaarka QM u qaabilsan Somalia, ayaa sheegay in Somalia  kusoo wajahan tahay xilli xasaasi ah,  oo loo baahan yahay in aan wax laga bedelin habka loo dejiyay dorashada.  

Dowladda Somalia ayaa horey uga dalbatay beesha caalamka inay ka taageerto dhanka dhaqaalaha lagu hergelinayo doorashada soo socoto. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM