​Beyle iyo Jeesow oo loo doortay inay kamid noqdaan Barlamanka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirkii hore arrimaha Dibadda Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kusoo baxay kursi kamid ah Xildhibaanada beelaha Waqooyi ka heleen Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, kuwaasoo xulistoodu ka socota magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Beyle ayaa helay 48  cod, halka Musharaxa kale ee la tartamay oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xaashi Abiib uu helay 2 cod.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa noqonaya Xildhibaankii 2-aad ee kusoo baxay Doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee Beelaha Somaliland, oo ka socoto xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis.

Horay, waxaa maanta loo doortay Ra'isal wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carteh.

Ninkan, ayaa kamid ahaa xukuumaddii la riday ee Cabdiwali Sheekh Axmed, isagoo door kasoo qaatay qaabkii Somalia 2015 looqu qaban lahaa shir madaxeedka IGAD ee wasiirrada Arrimaha Dibadda isugu yimaadeen, wuxuuna muddooyinkii dambe ahaa Madaxa Mashaariicda ee Bankiga Horumarinta Africa ee xaruntiisa tahay dalka Ivory Coast

Dhinaca kale, Daahir Amiin Jeesow, ayaa kusoo baxay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, isagoo helay codad gaaraya 30 kamid ah kalsoonida Ergadii wax dooranaysa oo ahayd 51 xubnood, waxaana Xildhibaankan kamid ahaa mudo dheer Baarlamaanadii soo maray dalka Somalia.

Maamulka Hir-Shabeelle, ayaa wali soo dhammaystirin Xildhabaadiisa Aqalka hoose, waxaana arrintaasi soo afmeeray Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo lahaa Kuraasta ugu badan.

Doorashada Somalia, ayaa dib uga dhacday waqtigii la filayay inay qabsoonto, walina lama oga xilliga la qabanayo, balse waxaa laga walaacsanyahay inay madaxa la gasho sannadka soo socda ee 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM