BF Soomaaliya oo loogu baaqay in uusan ansixin qodobo loo gudbiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa maanta waydiisatay baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya in uusan ansixin qodobada ku jiray warbixintii guddiga dhameystirka xeerka doorashooyinka.

War-saxaafadeed kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in qodobaddaas ay yihiin "kuwa dalka iyo degaanadaba u horseedaya qalalaaso iyo deganaanshiyo la'aan ay xalinteeda adkaan doonto muddo dheeri".

Qodobadda madasha ka qaylo-dhaamisay ee ku jira warbixinta ayaa kala ah; Asteynta Kuraasta baarlamaanka, maqaamka gobolka Banaadir, qoondada haweenka iyo kuraasta goboladda waqooyi/Somaliland.

Sidda laga soo xigtay bayaanka uu arkay warsidaha Garowe Online, hanaanka uu guddiga uga soo shaqeeyay warbixinta waxaa ka muuqdo "daldaloolo kala duwan".

Dhanka kale, madasha oo xustay in madaxda dowladda federaalka ah ay ku fashilmeen in ay dalka ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah ayaa ku boorisay in ay wajahaan xaqiiqada, lana hadlaan saamileyda siyaasada.

Doorashooyinka 2020-21 oo ahaa qof iyo cod ah ayaa shaki la gelinayaa in ay dhici karto sanadkan sabab la xiriirta in aan la dhaqan-gelin halbeegyaddii ama waxyaabihii aas-aasiga u ahaa in ay dhacdo coddeyntaas.

Dhameystirka dastuurka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo xorreynta goobaha ay maamulaan, diyaarinta miisaaniyadda iyo shuruuc heshiis lagu yahay ayaa kamid ah arrimaha ay guuldareysteen madaxda waddanka in ay fuliyaan.

BAYAANKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM