Booliska Banaadir oo iska fogeeyay ciidamada dagaalamay

Image

16 November, 2015(GO)-Taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir Gen: Cali Xirsi Barre "Cali Gaab", ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan dowladda Somalia ku dagaalameen inta u dhaxaysa degmooyinka Hodon iyo Dayniile ee gobolkaas.

Cali Gaab ayaa qiray in dagaalku dhacay, balse waxa uu sheegay inay ahaayeen Mallayshiyaad aan ka tirsanayn ciidanka dowladda kuwaasi oo ku soo labistay dharka ciidanka dowladda Somalia.

Taliyaha ayaa xusay sababta keentay in shacab lagu dhex dagallamayo, wuxuuna sheegay inay dhinteen shan qof oo ku jiraan mallayshiyaadka dagaallamay, cunug yar iyo labo haween ah, halka tirada dhaawaca ku sheegay 12 ruux.

Warar madax banaan oo aan ka helayno magalada Muqdishu ayaa beeninaya hadalka taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir, waxayna tilmaamayaan inay tirada dhimashadu intaasi ka badantahay ragga dagaalamayna ka tirsanyihiin ciidanka dowladda Somalia.

Waxaase xaqiiqa ah in dagaalkan uu salka ku hayo cidda masuul ka noqon lahayd raashin loogu talagalay barakacayaal ku sugan Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM