Booliska D. Federaalka oo laga mamnuucey qaadka

Image

May 18, 2015 (GO)- Taliska booliska Dowladda Federaalka ayaa soo saarey amar looga mamnuucayo askarta in ay qaadka cunaan xilliga ay shaqada ku jiraan.

Taliyaha cusub ee ciidamada booliska Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo booqdey xero lagu tababaro booliska, ayaa sheegay in ashax ahaan aysan habooneyn in askari shaqada ku jiraa qaad cuno.

Ciqaab adag ayuu sheegay inuu muteysan doono askarigii hadda kadib lagu arko qaad xilliga shaqada, isagoo dhinaca kale xusey in askarigii amarkan sida ay tahay u fuliya la abaal marin doono.

" hadda kadib askarigii xilliga shaqada jeebkiisa laga helo qaad ha iska jiro, marka hore waa loo digayaa, marka xiga waa la ciqaabayaa muddo kooban mar saddexaadkana maxkamad ciidan ayaa lala tiigsanayaa" ayuu yiri.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horreysey nooceeda, waxaana xusid mudan in badi ciidamada Soomaalidu yihiin kuwo qaadka cuna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM