Booliska D. Federaalka oo laga mamnuucey qaadka

Image

May 18, 2015 (GO)- Taliska booliska Dowladda Federaalka ayaa soo saarey amar looga mamnuucayo askarta in ay qaadka cunaan xilliga ay shaqada ku jiraan.

Taliyaha cusub ee ciidamada booliska Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo booqdey xero lagu tababaro booliska, ayaa sheegay in ashax ahaan aysan habooneyn in askari shaqada ku jiraa qaad cuno.

Ciqaab adag ayuu sheegay inuu muteysan doono askarigii hadda kadib lagu arko qaad xilliga shaqada, isagoo dhinaca kale xusey in askarigii amarkan sida ay tahay u fuliya la abaal marin doono.

" hadda kadib askarigii xilliga shaqada jeebkiisa laga helo qaad ha iska jiro, marka hore waa loo digayaa, marka xiga waa la ciqaabayaa muddo kooban mar saddexaadkana maxkamad ciidan ayaa lala tiigsanayaa" ayuu yiri.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horreysey nooceeda, waxaana xusid mudan in badi ciidamada Soomaalidu yihiin kuwo qaadka cuna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM