Booqashadii Erdogan ee Muqdisho oo dib u dhacday

Image

January 23, 2015 (GO)- Booqasho maanta oo Jimce ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ku imaan lahaa magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacdey.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dib-udhaca wafdiga Erdogan la xiriiro geerida boqorkii dalka Sucuudiga Boqor Cabdallah Binu Cabdulcasiis Aalu-sacuud oo xalay ku dhintey isbitaal ku yaalla Riyadh.

Madaxweynaha Turkiga oo 24tii saac ee ugu dambeeyey ku sugnaa xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa saacadaha soo socda u duulaya Sucuudiga si uu uga qayb galo aaska Boqor Cabdallah oo dhici doona gelinka dambe ee maanta.

Madaxda ka qayb geli doonta janaasada waxaa kamid ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isagana la filayo inuu salaada Jimcaha kadib u duulo magaalada Riyadh.

Cabdallah Bin Cabdulcasiis oo ahaa boqorkii lixaad ee boqortooyada Sucuudiga, wuxuu xukunka la wareegey sanadkii 2005, markaasoo uu geeriyoodey walaalkiisa Boqor Fahad Bin Cabdulcasiis Aalu-Sacuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM