Britain oo taageeraysa doorasho xor ah oo ka dhacda Somalia

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Dowladda Britain ayaa sheegtay inay ka go'antahay taageerada ay siinayaan dowladda Somalia iyo xoojinta hiigsiga lagu doonayo in dalka ka dhacdo doorasho xor ah sannadka dambe.

Danjiraha Somalia ee Ingiriiska Harriet Mathews oo ka hadlaysay shir jara'id oo ay ku qabatay Muqdishu ayay tilmaamtay inay doonayaa qabsoomidda doorasho dhacda 2016.

Ciidamada Britain Somalia u soo dirayso ayay ka hadashay, waxayna sheegtay inaysan noqon doonin kuwo ka dagaalama balse bixin doonaan tababaro iyo xogo ku aadan dagaalka Dowladda Somalia kula jirto ururka Al-Shabaab.

Harriet Mathews ayaa xustay inay ka go'antahay dowladda Britain gargaarka bini-adanimo oo la siinayo shacabka Somalia.

Dhawaan ayay ahayd markii dalka Ingiriisku shaaciyay inay u dirayso Somalia ciidamo, xilli beesha caalamku waddo dadaalo lagu doonayo sidii  dalka Somalia uga dhici lahayd doorasho, maadama xukumadda hadda jirta ku guuldarrayastay inay dhacdo sannadka dambe doorasho hal qof iyo cod ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM