​ Burcad-badeed lagu xukumay Faransiiska

Image

Maxkamad ku taalla dalka Faransiska ayaa 7 Soomaali burcad-badeed ah ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 6-15 sannadood kadib markii lagu helay in sanadkii 2011 badda Gacanka Cadmeed ka afduubteen dooni, isla markaana dileen nin Faransiis ah oo waday doonidaas.

Chirstian Colombo iyo xaaskiisa Evelyne ayaa ku jiray safar ay dunida ku kala bixinayeen, markii doonidoodii ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah.

Burcad-badeedda ayaa dilay Christian, kadibna maydkiisa badda ku tuuray, kadibna waxay afduub ahaan u qabsadeenn xaaskiisii Evelyne Colombo.

Ciidamo Isbaanish ah, ayaa bad-baadiyay haweynaydaasi, waxayna gacanta ku dhigeen 7 burcad ah.

Farxaan Cabdisalaam Xasan iyo Axmed Cabdullahi, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, iyagoo lagu helay dambi ah inay qoraan dhallinta ku biiraysa burcadda.

Farxaan Maxamuud oo da’diisu yarayd wakhtigi la qabtay ayaa isaga lagu xukumay 6 sano oo xabsi ah.

Xukunkan ciqaabtiisa halkaas la gaarsiiyay, waxaa go'aan kaa kaduwan qaba dacwad oogayaasha Faransiiska iyagoo doonayay in la dheereeyo waqtiga lagu xukumay islamarkaana la gaarsiiyo ilaa 22 sano.

Faransiiska ayaa kamid ahaa waddamada sida aadka ah uga howl galay waqtigii uu socday falalka burcad-badeednimada, waxaana dalkaasi ku xiran Somali badan oo dambiyadaasi loo haysto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM