Cadaado: Madaxweynaha Galmudug oo maanta la caleema saarayo

Image

July 23, 2015 (GO)- Degmada Cadaado waxaa maanta lagu caleema saarayaa madaxweynaha maamulka dhowaanta lasoo dhisay ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xafladda caleema saarka oo todobaadyadii lasoo dhaafay qaban qaabadeedu socotey, waxaa lagu wadaa inay kasoo qayb galaan mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Midowga Yurub, Midowga Africa  iyo IGAD.

Mas'uuliyiinta ka qayb gelaya caleema saarka Madaxweynaha Galmudug waxaa kamid ah: Madaxweynaha Dowaldda Federaalka Xasan Sheekh Maaxmuud, Wakiilka Qaramada Midoobey Nicholas Kay iyo Wakiilka IGAD Maxamed Cabdi Afey.

Waxaa sidoo kale ka qayb geli doona wasiirro iyo xildhibaano ka tisran Dowladda Federaalka; iyo weliba mas'uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr.

Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana goobta xafladdu ka dhacayso ilaalo ka haya ciidamo ka tirsan Nabad-Sugidda Dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Doorasho horraantii bishan July ka dhacday isla degmada Cadaado ayaa Cabdikariim Xuseen Guuleed loogu doortay Madaxweynaha Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM