​Carteh oo kusoo baxay kursi kamid ah xubnaha Somaliland ee Barlamanka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Cod-bixinta Doorashada Aqalka hoose, ayaa saakay dib markale uga billowday Muqdishu iyo Cadaado, kadib markii maalmo dib u dhaceen sababo la xiriira Khilaaf ka taagan Kuraasta beelaha iyo arrimo kale.

Doorashada ka socoto magaalada Cadaado, ee xarunta Galmudug ayaa lagu soortay Saddex Xildhibaan, oo uu ku jiro Wasiirka Gaadiidka Galmudug Cabdixakiin Maclin Axmed oo helay 40 Cod.

Waxaa sidoo kale guulatstay Cali Axmed Shariif Cali Yare oo helay 49 cod iyo Nadiifo Faarax Jaamac oo ku adkaatay 44 cod.

Dhanka kale, magaalada Muqdishu waxaa ka socoto Doorashada Xubanaha Aqalka hoose ee Somaliland, taasi oo maalmahan muran xoogan uu ka taagnaa halka lagu qabanayo iyo Handadaad lagu hayo Ergada.

Doorashada saakay waxay dib uga furmatay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis, waxaana ku guulastay Maxa'ed Cumar Carte, oo kamid noqday Xubnaha Aqalka hoose ee Somaliland.

Mr. Carte ayaa helay 47 Cod, waxaana uu ka guulaystay musharax kale oo helay 4 Cod.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Somalia Maxa'ed Cumar Carte ayaa ku guulaystay  Kursigii ugu horeeyay ee Doorashada Xubnaha matala Gobolada Waqooyi ee dalka ee ka dhacaysa caasumadda Somalia.

Wuxuu ka adkaaday murashax lagu magacaabo Axmed Cusmaan Ismaaciil.

Odayaasha Beelaha Waqooyi ee Somaliland ayaa shalay warqad u qoray Gudiga Doorashada dalka, taasi oo ay ku codsanayaan in xarunta Doorashada loo wareejiyo Saldhiga AMISOM ee Xalane, si ay uga nabadgalaan Cagajuglayn iyo Hadaad ay sheegeen inay kala kulmayaan Madax katirsan Dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM