Caruur sun ugu geeriyootay magalada Muqdishu

Image

19 November, 2015(GO)-Afar caruur wada dhashay ayaa geeriyooday ka dib sunta xoolaha oo aabahood mariyay jirkooda si aan ku tala gal ahayn.

Caruunta dhimatay ayaa la sheegay inay ka soo baxeen nabaro cun cun leh, sidaa darteed abaaha dhalay u damcay inuu ku daweeyo suntaasi xoolaha la mariyo.

Caruurta ayaa sumoobey ka dib sunta la mariyay, waxaana loo qaaday cusbitalka ku yaalla magaalada Xamar.

Dadaal dhaqaatiirtu sameeyeen ka dib, afarta ilmood ayaa goobta ku naf baxay.

Dhinaca kale, waxaa cusbitalka oo ku yaalla degmada Carafaat ee magalada Muqdishu la keenay labo ilmood, kuwaasi oo ku sumoobay dawada xoolaha oo aabihii dhalay jirkooda mariyay, waxaana la sheegay in mid ka mid xaaladiisa ka soo raysay oo cusbitalka laga saaray halka kii kale weli ku jiro.

Inta badan dadka Somalida ayaa sameeya dawo dhaqameed ay radiyaan caafimaad, waxaase xusid mudan inay leeyihiin khatar taagan oo la mid ah mida dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM