​Ceelbaraf: AMISOM oo Madaafiic lagu weerar

Image

CEELBARAF, Somalia- Al shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadey saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Ceelbaraf, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dadka deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegay in dhowr madaafiic ah ay ku dhaceen gudaha fariisinka ciidamadda Burundi ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Ma cadda Khasaaraha madaafiicda ay geeysteen.

Al shabaab ayaa sheegatay in tiro askar ah ku dileen weerarka ka dhanka ah fariisinka ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia.

AMISOM kama aysan hadlin weerarka deegaanka Ceelbaraf, oo qiyaastii 30KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM