Cidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM oo qarka u saaran Jilib

Image

October 8, 2014 (GO)- Ciidanka Maamulka Jubaland iyo kuwa dalka Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa ku dhawaaday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Dagaal culus oo saakay ka dhacay deeganada Mugaanbow, Bangeenni iyo Baar-sanguuni ee gobolka Jubada Hoose ayaa u sahlay ciidamada huwanta ah in ay jiiraan difaacii Al-shabab.

Tirro dagaal yahanada Al-Shabab kamid ah ayaa hawlgalka saakay lagu dilay sida ay GO u sheegeen qaar kamid ah saraakiisha ciidanka maamulka Jubaland.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa si toosa saakay dagaalka uga qeyb qaadanayay ayagoo duqeymo ka geystay difaacyo ay qoteen Al-Shabab oo ku yaal deegaanada lagu diriray saakay.

Aadan Goojaar oo kamid ah saraakiisha ciidanka maamulka Jubaland ee hogaaminaya hawlgalka ayaa sheegay inay dhawaan la wareegayaan Kamsuuma iyo Jilib. Dhanka kale, cutubyo ciidanka Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa u weecday dhanka Janaa cabdalle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gebi ahaan jartay adeega isgaariisnta shirkadda Hormuud maadaama xarunta Hormuud ee Jubbooyinku ku taal Jilib oo  haatan Al-Shabab haystaan mana jirto wax isgaarsiin ah marka laga reebo shirkadda Nation iyo taarar ay isticmaalayaan ciidamada Jubbaland.

Hawlgalka oo socda maalinkii seddexaad ayaa waxaa uu u muuqdaa mid hormar ay ka gaareen ciidamada huwanta ah ayagoo qabsaday deegano badan masaafo 90km socday waqooyiga Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM