Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku laayey degmada Marka

Image

July 21, 2015 (GO)- Ciidamada AMISOM ayaa maanta ugu yaraan todoba qof oo rayid ahaa ku diley degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in falkani dhacay kadib markii ciidamada AMISOM hawlgal baaritaan ah ka sameeyeen xaafadaha qaar.

Rasaasta waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhowaad toban qof oo kale, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu halis tahay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in falkani aargoosi u ahaa qarax xalay isla degmada Marka lagula beegsaday mid kamid ah gawaarida gaashaaman ee AMISOM.

Xaalada magaalada oo saaka kacsanayd ayaa ah hadda mid degan, balse dadka ayaa aad u hadal haya dhacdadii maanta.

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyo Saraakiisha  Ciidamada AMISOM wali kama aysan hadlin dadka shacabka ah ee Marka lagu laayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM