Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo la wareegey Baraawe

Image

October 5, 2014 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa saaka la wareegey gacan ku haynta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada isbahaysanayaa magaalada waxay ku galeen si nabad ah kadib markii kooxda Al-shabab labo maalmood kahor isaga baxday.

Baraawe waa xaruntii ugu dambeysey ee Al-shabab, waana magaalo xeebeed istaraatiiji ah dhaqaale xooganna ay ka heli jireen.

Awoodda Al-shabab ayaa u muuqata inay sii baa ba'ayso wixii ka dambeeyey markii la diley hogaamiyahoodii hore Axmed Cabdi Godane oo Maraykanku bil kahor duqeyn cirka ah ku khaarijiyeen.

Afar maalmood kahor, ciidamada Puntland ayaa ku guuleystey inay Al-shabab ka saaraan dhammaan fariisimihii ay ku lahaayeen buuraha Golis gaar ahaan Galgala iyo deegaanada ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM