Ciidamada DF iyo mileeshiyaadka Ahlu Suna oo dagaalmay

Image

December 13, 2014 (GO)- Dagaal ayaa aroornimadii hore ee saaka ku dhex maray koonfurta degmada Dhuuso Mareeb ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka iyo mileeshiyaad taabacsan Ururka Ahlu Sunna Waljamaacah.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha labada dhinac kasoo gaarey iska hor imaadkaas oo sida lagu soo waramayo  muddo labo saac ku dhow socdey.

Dagaalka saaka ka dhacay duleedka xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso Mareeb wuxuu xiriir la leeyahay dagaal kale oo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Guriceel.

Iska hor imaadka  Guriceel oo ugu yaraan hal qof ku dhintay shan kalena ku dhaawacmeen, wuxuu biloway kadib markii mileeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna ay jidka u galeen wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo muddooyinkii u dambeeyey gobolka ku sugnaa.

Ahlu Sunna ayaa dhowaan maamullo cusub usoo magacawday degmooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel halkaasoo ay horay uga jireen maamullo Dowladda Federaalka hoos taga, waana taas sababta loo malaynayo in khilaafka gacan ka hadalka dhaliyey uu salka ku hayo.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa gobolka Galguduud ka soconayey dadaallo ku aadan sidii loo dedejin lahaa dhismaha maamulka gobollada dhexe ee ka koobnaan doona Galguduud iyo koonfurta gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM